Dagaal ka dhex Aloosan Farmaajo iyo Kheyre, Yaa Xilka RW wareejinaya

Waxaa maanta Xilka la wareegaya Raysal wasaaraha cusub Maxamed Xasan Rioble, waxaase muran ka taagan yahay cida Xilka ku wareejinaysa.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu soo abaabulay in Xilwareejinta uu sameeyo Mahdi Guuleed oo uu isagu u magacaabay Raysal wasaare sii haye .

Waxay Xalay godka ka soo baxay Raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre wuxuuna ku andocoonaya inaysan sharci ahayn in cid kale ay xilkiisii wareejiyo isagoo Dalka jooga.

Waraaq Siyaasadeysan oo uu Xalay Usoo qoray Raysal wasaaraha Cusub ayuu Xasan Cali Kheyre wuxuu ku sheegay inuu isagu Xilwareejinta sameynayo.

Sharci yaqaanadu waxay qabaan In Xasan Cali Kheyre uu Xilka wareejiyo, waana sida qaynuunka yahay.

<