Xildhibaanada Federaalka waxay laga bilaabo maanta Mid walbaa u olole tagayo Meeshii lagsoo doortay.

Xildhibaanada labada Aqal waxay maanta Ansixiyeen oo u cadeeyeen In Dalku uu galo Doorasho bisha Novembar, taasi waxay ka dhigan tahay in kulankii maanta uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee ay Xildhibaanadu yeeshaan.

Sida Caadada ah Xiliyadaan oo kale waxaa la baneeyaa Aqalka Baarlamaanka oo Xildhibaan Walbaa wuxuu u olole tagaa Deegaankiisii wuxuuna isku dayaa inuu difaacdo Booskiisii.

Sanadkaan waxaa jira tartan Xoogan oo loo galayo Kuraasta, waxaa jira Dhalinyaro badan oo Doonaya inay Siyaasda soo galaan, Heshiiska Doorasha Ayaa isna oranaya Waa in kursi walbaa ay u tartamaan Sadex Qof, waana tan keeneysa in Xildhibaanada Wakhtigooda dhamaadey ay deg deg isaga Xaadiriyaan Deegaanada lagasoo dooranayo,

Puntlandi.com

<