Madaxweyne Deni oo soo dhaweeyey in Labada Aqal ay gudbiyeen Heshiiskii Doorashada

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey in maanta ay Labada Aqal ay Cod Aqlaboyad ah ku meel martyren Heshiiskii Doorashada ee Madaxweynayaasha Dalku wada gaareen.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu muujiyey in hada loo wada jiheystay lana isku raacsan yahay in Dalka ay Doorasho Dadban sy ka dhacdo laga bilaabo bisha Noovembar Sanadkaan,

Xildhibaanada Labada Aqal ayaa maanta waxay sicwadajir ah u meel martyren Heshiiskii Doorashada ee Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadu ay wada gaareen, Gudoomiyaha Gobolka banaadir ayaa isna goob Joof ka ahaa Heshiiska.

Heshiiskaan wuxuu oranayaa in bisha Novembar ay Doorasho dadban bilaabato tasoo ku salaysan Nidaamka 4.5.

Puntlandi.com Muqdisho

<