Madaxweyne Axmed Madoobe oo guul ku tilmaamay shaqadii ay maanta qabteen Xildhibaanada Federaalku

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyey In Xildhibaanada Federaalku ay Ansixiyeen Heshiiskii Doorashada ee bishaan bartankeedii ay wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya oo Madaxweyne Farmaajo hogaaminayay.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegey In Howsha ay qabteen Xildhibaanadu ay dedejineyso dhameystirka Howlaha dhiman, wuxuuna raaciyey in hada wixii ka dambeeyana laga wada shaqeeyo sidii horay loogu socon lahaa.

252 Xildhibaan ayaa Ansixiyay Heshiiska, waxaana soo xaadiray Baarlamaanka oo goobjoog ahaa 255 Isugu jira labada Aqal ee Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Puntlandi.com Muqdisho

<