Breaking News— Saadaalinta rasmiga ah .. Labada Aqal oo intooda badan soo dhaweeyeen Heshiiskii Doorashada balse aan wali Cod loo qaadin

Waxaa si cad u muuqata in Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay aad usoo dhaweynayaan Heshiiskii Doorashada ee Muqdisho lagu gaaray.

Kulanka oo wali socda aya la filayaa in Cod loo qaado balse Xildhibaanada iyo Senetarada 80% Way soo dhaweeyeen Heshiiska.

Waxaana saadaalintu sheegaysaa in Heshiiska Doorashada uu labada Aqal ka heli doono Cod Aqlabiyad ah.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa Heshiiskaan wada gaaray ,si Dalka ay Doorasho uga bilaabato bisha Novembar

Goor dhow ayay codeyntu bilaabaneysaa

Puntlandi.com

<