Breaking News — Labada Aqal oo si aqlabiyad ah u ansixiyey Heshiiskii Doorashada

Senetarada iyo Xildhibaanada Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyey doodoodii ay ka doodayeen Heshiiskii Doorashada ee Dhowaan wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya, Waxayna si aqlabiyad ah u ansixiyey

252 Ayaa u codeeyet Heshiiska sidaas ayuuna ku baasay Heshiiska. Waxaa diiday 2 Xildhibaan, Hal Xildhibaan wuu ka aamusay. Waxaa kooramka fadhiyey 255 Xildhibaan oo labada Aqal ah.

In Baarlamaanka uu maanta meel mariyo Heshiiskaan waxay ka dhigan tahay in Dalku Doorasho aadayo bisha Novembar.

Puntlandi.com Muqdisho

<