Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo oo Rajadii u dambaysay beri ka warsugaya

Raysal wasaaraha uu Madaxweyne Farmaajo magacaabay iyo Xukuumada uu soo wado wax macne ah oo ay soo kordhin doonaan ma jidho hadii Labada Gole ay Ansixiyaan Heshiiska Doorashada oo Beri oo Sabti ah 26 Sep.loo balan sanyahay.

Walibwaxaa jira rajo ay qabaan Villa Soomaaliya iyo Taageerayaasha Madaxtooyada Rajadaasoo ah mudo kordhin, iyo in Baarlamaanku diido Heshiiska.

Diidmada Heshiiskii waxay mar kale soo noolayn kartaa Rajadii Mudo kororsiga in kastoo rajadaas ay horay usoo wiiqeen Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadu.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadu waxay aamin sanyihiin in Heshiiskaan uu yahay lama taabtaan, laakiin Codeynaya loo qaadayo ay tahay qancin uun la qancinayo Ama lagu sharfayo Baarlamaanka , haday diidaan xitaa Noqvembar Doorasho ku salaysan Heshiiskaan ayaa la aadayaa, waxaa taas la qaba Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Hogaamiya Xisbiyada.

Maxaa dhici kara hadii ay diidaan Heshiiska

Madaxweyne Farmaajo wuxuu u ololaynayay mudo kororsi, dhowr jeer isaga qudhiisu wuu ka dhawaajiyey xantaas, Laakiin Wuxuu Ceeb ka saliim noqdey markuu Heshiiska la galay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada uuna Si cad u cadeeyay in laga guulaystay uuna aqbalay in Doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo Laguna saleeyo 4.5.

Senetorada Aqalaka Sare 85% Heshiiska Way soo dhaweeyeen halka shaki badan uu ka taagan yahay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Waxaa iyana jiray shaki badan oo lagu wareersanaa, oo ku aadan Cida markii horeba u ololaynaysay Mudo kordhinta, Ma Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa mise Gudoomiye Mursal iyo kooxdiisa.

Farmaajo hada wuu quustay oo kubadu waxay agtaal Baarlamaanka. Hadii ay beri ay diidaan Heshiiskaan waxay muujiyaan inay u hanqal taagayaan mudo kororsi. Laakiin Dowlad Goboleedyada qudhoodu waxaa hoos u yaal plan B aan la garanayn.

Puntlandicom Muqdisho

<