Madaxweyne Axmed Madoobe “Heshiiska Doorashadu uma baahna in cid Ansixiso”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shaaciyey in Heshiiska Doorashadu uusan ahayn sharci u baahan in Baarlamaanku Ansixiyo, wuxuu Axmed Madoobe sheegay in Heshiiska uu yahay Xalka Doorashada lagu gali doono.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Heshiiskaan uu yahay Xalka kaliya ee u furan in Doorashada lagu galo sidaas awgeed hadii ay Baarlamaanku diidaan xitaa uu soconayo.

Hadalkaan oo kale waxaa horay u yiri Siyaasiyiin badan oo iyana Heshiiska ku tilmaamay Mid Dalka lagu badbaadinayay.

Puntlandi.con Muqdisho

<