Baarlamaanka oo lagu wado inay maanta codka kalsoonida u qaadaan Raysal wasaaraha uu magacaabay Madaxweynuhu

Xildhibaanada labada Aqal ayaa lagu wadaa inay maanta u codeeyaan Raysal wasaaraha uu Madaxweyne Farmaajo usoo xulay inuu badalo Xasan Cali Kheyre.

Maxamed Xasan Rooble oo ah Ninka loo wado Raysal wasaaranimada Soomaaliya ayaa shaki ku jiraa inuu Baarlamaanka hortagi doono maanta xiliga codka kalsoonida loo qaadayo, Villa Soomaaliya waxay shalay shaaciyeen Cajilad muuqaal ah oo uu Rooble ku codsanayo in Baarlamaanku ay siiyaan Codka Kalsoonida, Cajiladaan waxay Abuurtay shaki ah in Villa Soomaaliya ay badaleen dhaqankii Taysal wasaaraha la horgeyn jiray Baarlamaanka xiliga loo dalbanayo Codka Kalsoonida.

Wararku waxay xoojinayaa in Raysal wasaaraha loo qaadayo codka kalsoonida maanta oo isniin ah.

Puntlandi.com

<