Cabdi-bare Yousef Jabril wuu mudan yahay inuu Puntland ku matalo Baarlamaanka Federaalka

Cabdi-bare Yusuf Jabril oo ah Siyaasi ay siyaasadiisu fadhido isla markaasna aan qarsan mowqifkiisa wuxuu horay usoo noqdey Xildhibaan Qaran, in mudo ahna wuxuu kusoo dhex jiray Siyaasada Soomaaliya.

CabdiBare lamid ma aha Kuwa ay Puntland u dirsato Muqdisho, kuwasoo aan dib usoo eegin deegaanadii laga soo doortay, Laakiin CabdiBare waa Nin aan la xishoon inuu socodsiiyo ama iibiyo Siyaasadiisa ku salaysan Federaaliisamka iyo Difaaca Magaca iyo Shacabka Puntland.

Xiligaan Adag Siyaasada Soomaaliya waxaa Puntland looga baahan yahay in lasoo xulo Rag iyo Dumar si dhaba u matala Puntland.

10 kii sano ee lasoo dhaafay Xildhibaanada Puntland ku matala Baarlamaanka Federaalka waxay ahaayeen kuwo wax ay ku taraan iska daaye marmar iyaga ayaa losoo adeegsan jiray burburinta Puntland, Ama duudsiinta Xaqa ay Puntland ku leedahay Dowlada Dhexe.

Waxaa la gaaray xiligii isla Xisaabtanka , Madaxda Puntland iyo Isimada Puntland waa inay Puntland u hiiliyaan oo ay usoo xulaan Dad si dhab ah u matala Shacabka Puntland.

Cabdi Bare Yusuf Jabril waa Nin horay Usoo matalay Puntland, Xiligaana la joogaana Waa Ninka kowaad ee loo bahan yahay in Muqdisho loo diro. waa hubaal CabdiBare meeshii kaa jiro waxaa kaa jira Siyaasi ay dhab ka tahay Siyaasada Puntland iyo Qaranimada Soomaaliy.

Puntlandi.com Garowe

<