Madaxweyne Farmaajo wuxuu Qodob qodob u fuliyay Dalabkii Madaxweyne Deni

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu Carqaladeeyey Shirkii Dhuusamareeb oo Xili ay Axmed Madoobe iyo Deni usoo socdaan Shirkii Sadexaad ee Dhuusamareeb ayuu soo gabagabeeyey isagoon waxba sugan labadaan nin, wuxuuna soo saaray Qodobo.

Puntland iyo Jubbaland Way qaadeceen Heshiiskaas waxayna Farmaajo u sheegeen in Heshiiskaas uu qashinka ku daro isla markaasna uu soo Magacaabo Raysal wasaare, Waxaana halkaas ka bilowdey Dagaal Siyaasadeed oo la isugu awood Sheeganayo.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu kusoo Guryaha noqdey Villa Soomaaliya kadib Safarkiisii Dhuusamareeb. Madaxweyne Saciid Deni si lama filaan ah ayuu Muqdisho ugu soo guuray, Waxaana loo xiray Gabi ahaan Wadooyinkii halvowlaha ahaa.

Shacabka Muqdisho waxay la yaabeen Qofka uu yahay Qofka loo xiray Wadooyinkii Xamar, Dadka qaar waxay u qaateen In Madaxweyne Trump uu Muqdisho imaanayo, Waayo Dad badan Way ka dagi wayday in Saciid Deni oo horay Muqdisho u imaan jiray uu yahay Shaqsiga loo xiray Wadooyinka.

Laakiin Taasi waxay ahayd bilowga Dagaalka Siyaasadeed ee Saciid Deni, wuxuuna imaatinkiisii kadib Muqdisho ka bilaabay olole Siyaasadeed oo lagu jilcinayo Awooda Madaxweyne Farmaajo taasoo u hirgashay Deni.

Shirkii Muqdisho wuxuu soo maray marxalado kala duwan, waxaa bilowday shukaansi Siyaasadeed iyo isgarbaysi hor leh, Wuxuu Deni ku guulaystay inuu yareeyo taageerayaasha Madaxweyneha ee Xubnaha ka qaybgalaya Shirka, Walina Madaxweyne Deni wuu ku dheganaa Qodobadii uu dalbadey.

Maxaa Dhacay kadib Isniintii 14/09,2020

Wadaxaajood ka dib waxaa isniintii la isla meel dhigay Qodobada hada lagu heshiiyry, Laakiin Madaxweyne Deni wuxuu ku adkeystay in Raysal wasaare la magacaabo, waxaana taas ku raacay Inta badan Madaxda Maamul Goboleedyada.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ogolaadey inuu Raysal wasaare magacaabo Isagoo fulinaya dhamays tirayana Qodobadii Puntland iyo Jubbaland ay dalbadeen laakiin Madaxweyne Farmaajo wuxuu dalbadey in marka hore lasoo saaro Warmurtiyeedka Shirka kadibna uu ku dhawaaqo Raysal wasaaraha.

Habeyn hore waxaa Villa Doomaaliya loogu yeeray Mahdi iyo Mursal si loo Baro Raysal wasaaraha cusub .

Isku soo duuboo Madaxweyne Deni wuxuu ilaa hada ku guulaystay Dagaalkiidii Siyaasadeed ee uu Muqdisho u yimid.

Puntlandi.com Garowe

<