Madaxweyne Farmaajo “ Waa la isugukay tagay, saas baan uga tanaasulay Doorashadii Qof iyo Cod

Madaxweyne Farmaajo oo caawa khudbad ka jeediyey Xafladii laguu gunaanadey Heshiiskii Doorashada 29/21 Ayaa ka sheekeeyey qaabkii looga adkaaday mowqifkiisii.

Madaxweynuhu wuxuu sheegey in Maamul Goboleedyadu u heshiiyeen ayna ku khasbeen inuu ka tanaasulo Mowqifkiisii ahaa in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay inuu aakhirkii arkay in Dalku uu burbur ku socdo haduu ku adkeysto mowqifkiisa taas badalkeedana Waxaan gartay ayuu yiri inaan Tanaasulo oo aan aqbalo Heshiiskaan.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu hoosta ka xariiqay in Dalku uu galay xili Doorasho isagoo Baarlamaanka ugu baaqay iney iyana Ansixiyaan Heshiiska.

Puntlandi.com Muqdisho

<