Gudoomiye Mursal oo loo dhiibay Heshiiskii Muqdisho ee Doorashada iyo Raysal wasaaraha cusub

Xalay waxaa gacanta laga galiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Nuqulka Heshiiskii Muqdisho er Doorashada iyo Magaca Raysal wasaaraha cusub si uu ugu gudbiyo Xildhibaanada.

Axada Waxay Xildhibaanadu ay codka Kalsoonida AU qaadayaan Raysal wasaaraha cusub halaka la siiyay 7 maalmood gudohoodna inay Cod u qaadaan Heshiiska Siyaasadeed ee laga gaaray Doorashada.

Wararka ay Warbaahinta Puntlandi.com ay helayaan waxay sheegayaan in Isla shalay Galabta Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda Fowlad Goboleedyada uu Madaxweyne Farmaajo batay Raysal wasaaraha Cusub.

Waxaa iyana jira Xildhibaano durba bilaabay inay isbaaro u dhigtaan Heshiiska kuwasoo ku andocoonaya in Madaxda Maamul Goboleedyadu aysan awood u lahayn inay soo saaraan Sharci Siyaasadeed.

Puntlandi.com Muqdisho

<