Maxay ka dhigan tahay kusoo biirista Shirka Muqdisho ee Mahdi iyo Mursal

Waxaa Xalay Shirka Muqdisho kusoo biiray wajiyo Cusub si ay uga qayb noqdaan Gabagabada Shirka kadib codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo.

Sida ay Puntlandi.con warka ku hayaan Shirku wuxuu hakad galay laba Cisho ka hor kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu ku dhagay in la horgeeyo Baarlamaanka Qodobada Kasoo baxa Shirka , taasna inta badan Masuuliyiinta kale Way kasoo horjeesteen.

Ugu dambayntii Madaxweyne Farmaajo wuu ka tanaasulay Qodobka ahaa in Baarlamaanka la horgeeyo Heshiiska kasoo baxa Dhirka taas badalkeeda wuxuu codsadey Madaxweynuhu in Shirka lagusoo daro Mursal iyo Muudey,

Warar waxaa jira sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uusan wali ka tanaasulo in Shirka aysan waxba kasoo bixin so walhtiga loogu dhameeyo iska daba wareeg iyo shirar badan oo isdaba socda, taasna Maamul Goboleedyada qaarkood Way ka foojigan yihiin.

Warar kale ayaa sheegaya in kasoo qayb halka Raysal wasaare Xigeenka ayaa macnuhu ahayn inuu matalaya Booskii Raysal wasaaraha balse uu Shirka uga qayb galayo si loo buuxiyo booska Beeshiisa.

Puntlandi.com Muqdisho

<