Daawo : – Maamulka Muse Biixi oo xiray Bilaal Bulshaawi oo ah Wiil dhalinyaro ah oo Reer Tiktok oo ka soo jeeda Muqdisho

Ciidamada Booliska maamulka Gashaanle Muse Biixi Cabdi ayaa ku xiray magaalada Hargeisa Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Bilaal Bulshaawi, kaas oo aad looga yaqaano kuna caan ah aalada isku xiriirka bulshada ee loo yaqaan TIKTOK.

Bilaal Bulshaawi oo ka soo jeeda Beelaha degga magaalada Muqdisho ayaa booqasho ku joogay magaalada Hargeisa.

ilaa iyo hadda Booliska maamulka Hargeisa ma soo bandhigin eedaha loo heysto Bilaal Bulshaawi, lakiin wararka ka soo baxaya Hargeisa ayaa tibaaxaya in Bilaali loo heysto oo uu eersaday muqaal uu soo bandhigay oo uu ka muuqdo oo ka soo duubay makhaaayad uu ka cabaayey Coffee looga dhex jeedo Calaamad buluug ah iyo Xidig, kadibna uu soo geliyey barta uu ku leeyahay aalada TIKTOK.

Maamulka Muuse Biixi ayaa caan ku ah ku mashquulida ugaarsiga dadka ka soo jeeda Konfurta Somaaliya halka uu ku fashilay inuu wax ka qabto horumarinta nolosha bulshada Reer Somaliland ee dhinacyada Caafimaadka, Waxbarasha,Shaqo abuurka dhalinyarada,uruurinta qashinka iyo dayactirka jidadka burbursan ee magaalada Hargeisa.

Halkan ka fiirsho muqaalka lagu xiray Bilaal Bulshaawi

<