Cumar Dhollawa : – Yaa ka dambeeya cadaawad dawlada Emirateka oo aheyd saaxiibka kaliya ee ganacsiga somaalida mudo dheer ?

76dii ayaan ka soo hayaamay Puntland oo waqtigaas loo yiqiinay Waqooyi Bare, mandiqadaas wadanka keliya oo la yiqiinay oo xiriir ganacsi iyo mid bulsho lala lahaa wuxuu ahaaa Emirate Carabta.

Xoollaha laga qaado Gobolada Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed waxaa la geyn jiray Emirateka ka dibna waxaa lagu soo bedeli jiray badeeco la geeyo meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah. Sida la ii sheegay Emirate-ku raacis la’aanta shuruucda Emirate-ka ee Soomaalida dhinaca soo gelida iyo joogista wadanka kuma ciqaabi jirin. Waxaa jirtay siyaasad Emirate-ku lahaa oo ku wajahan dhinaca soomaalida oo indhaha laga qabsado qaladkooda iyo u buradeyn xad dhaafa.

Goboladaas Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed aad iyo aad ayay ugu ladnaayeen dhinaca dhaqaalaha ganacsiga ku salaysan ama wax kala gadashada. Xiriirkaasi wax badan ayuu u qabtay Goboladaas waana lagu liibaanay. Wixii ka dambeeyey dagaalkii sokeeye Goboladaasi waa u baxsadeen Emirate-ka waxaana sii socotay habkii ku salaysnaa war innaka daaya (khalii yaciish).

Waxaa la ii sheegay Amiirka xilliigaas in uu amar ku bixiyey in aan Soomaalida lagu degdegin. Ilaa hadda nadaamkaas waxbaa ka jira walow dynamics-kii habka ganacsigu isbedelay wadanka dhexdiisana lagu yeeshay hanti qorbaha ka timid oo ay habsami ah u maareeyeen kooxa wadaada ah oo magacya badan leh oo Xawaaladaha asaasay. Ka dib waxaa timid sheekada Al-Jazeera, Fahad Yassiin, Qadar, khilaaf soo kala dhexgalay Emirate-ka iyo Qadar.

Mase jirin marna Qadar verses Somali or Emirate-ka verses Somalia or vice-verse. Si kasta ha ahaatee, waxaa Somaalida afkeeda ku badatay intii Fahad iyo Farmaajo mataanoobeen ayna hirgeliyeen barnaamijka CBB in cadawtooyo aanan garanayn meel ay ka timid loo qaaday Emirate-ka – kuwii u gargaarayey Soomaalida 70naadkii ilaa maanta.

Waxaad xusid mudan in kuwa ugu qayla dheer uguna xanaf badan ay yihiin carruurta lagu dhalay laguna masruufi jiray bagaashka laga keeno Emirate-ka. Waxaa cad iyo Soomaalida dhalan rog ku dhacay oo ay kala garan la’yihiin danaha umadeed iyo tan shakhsiyeed iyo xiriirka kala dhexeeya wadan ay deris yihiin oo dana badan oo masiiri ahi uu ka dhexeeyo.

Qore : Cumar Dhollawa

<