Qalabkii Ciidanka Xooga Dalka hadii Muqdisho lasiiyay Maxaa Gedo loogu diidayaa in Waxbarashadii loo xagliyo

90% Ciidamada tababarka loo dorayo, Qalabka Ciidamada ee Caalamku ugu deeqo Soomaaliya,Qalabka Caafimaadka,Mashaariicda lagusoo helo Magaca Soomaaliya ,Dhamaan waxay galaan Ama hela Muqdisho iyo nawaaxigeeda xiga Dhanka Waqooyi.

Waa Macquul in Soomaaliland iyo Puntland ay Qaylo badan ka dib waxooda helaan laakiin Dalka intiisa kale wixii loogu talagalay Masoo dhaafaan Muqdisho.

Maanta waxaa lasoo bandhigay Natiijada aImtixaanka fasalka 12aad, waxaana durba Qaylo kasoo yeertay Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Muqdisho kuwasoo ku andacoonaya in lafararaeeyay natiijadii Imtixaanka si Dalka dibadiisa loogu diro Ardey aan xaq u lagayn.

Sidey noqotaba Wasaarada Waxbarashadu waxay soo bandhigay in Ardeyda Gobolka Gaedo ay guul ka gaareen Imtixaanka taas badalkeedana ay helayaan Waxbarasho Dalka dibadiisa ah.

Hadiise Reer Gedo laga qadiyey wax walba oo Magaca Soomaaliya lagu soo qaatay 30 kii sano ee lasoo dhaafay ma Xaqbaa in maanta lagu qabsado Dhowr ardey oo Waxbarasho Deeq ah helay.

Ogowna Labaatankii Sano ee lasoo dhaafay Ardeyda Dalka dibadiisa loogu qaado Deeqaha Waxbarasho 70 boqolkiiba Muqdisho ayaa laga qaadi jiray waligeedna cid kama aysan hadlin.

Marka maanta xaq ma ahan in Ardeyda Reer Gedo loo xagxagto Farmaajo dartiis.

Qoraalkaan hoose waxaa Facebook-ga soo dhigay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed

Puntlandi.com Kismaayo

<