Axmed Madoobe wuxuu banaanka soo dhigay ceebtii Siyaasadeed ee Madaxweyne Deni qarinayay

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta la hadlayay Senetorada Aqalka sare ayaa shaaciyey sababtii ay uga baaqeen dhamaystirka Shirkii fashilmay ee Dhuusamareeb.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu shaaca ka qaadey in Fashilka Shirkaas uu sabab u ahaa Madaxweyne Farmaajo. Wuxuuna yiri “ Waxaan go’aan sanay aniga iyo Saciid Deni inaan Shirka Dhuusamareeb nimaano oo aan ka qayb qaadano dhamaystirka Shirka LAAKIIN markii uu Madaxweyne Farmaajo ogaadey inaan soo socono wuxuu dedejiyay Shirkii, Degdegna waxaa lagusoo saxiixay heshiis, shirkiina waa la xiray”.

Hadalka Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu daaha ka qaadayaa in Madaxweyne Farmaajo uu si ulakac ah u burburiyay Dhirkii Dhuusamareeb isagoo ka cabsi qabay Imaatinka Deni iyo Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni marna banaanka ma uusan soondhigin sababta rasmiga ah ee ay qaybta uga ahaan waayeen dhamaadkii Shirkii Dhuusamareeb, wuxuuna ku sababeeyey Arimo kale oo Siyaasadeed.

Sida uu hada xaqiijiyey Madaxweyne Axmed Madoobe, Madaxweyne Farmaajo marna daacad kama ahayn Dhirka Dhuusamareeb, waxaana hada muuqata inuusan daacadba ka ahayn in horay loo socdo.

Puntlandi.con Garowe

<