Xog waran cusub.. kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe

Warbaahinta Puntlandi.com oo u dhuun daloodha dhirarka Ay Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ay ka wadaan Muqdisho ayaa waxbadan ka ogaatay kulankii Xalay dhex maray Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliyeed Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka ayaa ahaa kii labaad tan iyo Markuu bilowday Dagaalkii Siyaasadeed ee labada Masuul, kii kowaad wuxuu bishii juun ka dahacay Dhuusamareeb .

Kulankii Xalay waxaa garwadeenka ka ahaa oo soo abaabulay Agaasime Fahad Yaasiin, Wuxuuna ahaa kulan bilow u ah xaliya Khilaafka Gobolka Gedo iyo Guud ahaan Jubbaland.

Labada Masuul waxay aad uga wada hadleen Xaalada Jubbaland, Waxayna isla garteen in Si furan loo xaliyo arinta Gobolka Gedo ee maalmahaan buuqu ka taagnaa.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu soo jeediyey

  • In Dowlada Federaalku ay Ciidamadeeda kasoo saarta magaalada Buulaxaawo taa badalkeedana Ciidamada Jubbaland sidoo kale banaanka ayay ka joogayaan Magaalada.
  • In Gudi ka kooban Siyaasiyiinta Deegaanka lawada magacaabo oo Arimaha taagan xaliya.
  • In Dowlada Federaalku ay joojiso Faragalinta Ay ku heyso Jubbaland, wixii talo ahna la wadaago lagana wada dhaqeeyo Amaanka Guud ee Jubbaland.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu soo dhaweeyey soo jeedinta Jubbaland balse Dad aad uga faalooda Siyaasada Madaxweyne Farmaajo oo aan waxbka waydiiney kulanka labada Masuul waxay sheegeen in Laba arimood ay dhici karaan.

1- In Madaxweyne Farmaajo uu garowsadey in La gaaray xiligii Wadahadal wax lagu dhameyn lahaa, isagoo ka duulaya Wakhtiga yar ee u harsan oo wax walba isbadali karaan hadii Dalku yeesheen hogaamiye kale.

2- In Madaxweyne Farmaajo uu sameyn doono sidii Dhuusamareeb, Waxaa macquul ah ayna u badan tahay in Madaxweynuhu uu damacsan yahay inuu iska yareeyo culaysyada Siyaasadeed, Heshiis uu Axmed Madoobe lagalana ay noqonayso culays ka dagay, dhanka kalena Hoos uu Kala shaqeeyo Kooxaha kasoo jeeda Gobolka Gedo ee Diidan Axmed Madoobe, Sidii lagu yaqiin Farmaajo.Taadoo macneheedu yahay in uusan jirin heshiis dhab ah.

Dhanka kale waxaa Madaxweyne Farmaajo lagu cadaadinayaa inuu magacaabo Raysal wasaare si loo bilaabo Shirkii Looga xaajoon lahaa Arimaha Doorashada.

Puntlandi.com Muqdisho

<