Madaxweyne Deni oo mar kale ku noqdey Madaxweyne Farmaajo, kulan hada u socda

Maalmihii lasoo dhaafay wuxuu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu Muqdisho ka waday kulamo uu kula tashanayo Siyaasiyiinta Mucaatadka, kulanadasoo badankoodu ahaayeen kuwo aad u xasaadi ah oo ku saabsanaa Shirka Wadatashiga Doorashada.

Madaxweyne Deni ayaa hada mar kale wuxuu kulan la leeyahay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyne Deni wuxuu Madaxweyne Farmaajo hordhigayaa maanta go’aanka kama dambeysta ah oo ku saabsan qaabka uu u bilaabanayo Shirka wadatashiga iyo talada Siyaasiyiinta Muqdisho.

Horay waxaan ogayn in Madaxweyne Farmaajo uu diiday in la balaariyo Shirka wadashiga laganasoo qayb galiyo Madaxwrynayasha maqan, Tasoo dhalisay in Awood qaybsigii Soomaaliya uu meesha ka bacon.

Kulanka maanta wuxuu Madaxweyne Deni uu u Gudrun doona smadaxweyne Farmaajo Dareenka Siyaasiyiinta Mucaatadka ee kasoo jeeda Berlaha Hawiye.

Warar hoose waxay sheegayaan in Madaxweyne Deni uu u sheegi doono Madaxweyne Farmaajo inuu soo magacaabo Raysal Wasaare si deg deg ah. Si xal Siyaasadeed loo gaaro.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa isna qayb ka ah Shirka hada u Socda Sadexdaan hogaamiye.

Puntlandi.com Muqdisho

<