Breaking News— Madaxweyne Farmaajo oo aakhirkii aqbalay in Shirka la balaariyo

Shalay ayay ahayd markii Warbaahinta Puntlandi.com ay heshay Xog Dublamaasiyadeed oo sheegtay in Beesha Caalamku ku khasbeen Madaxweynayaasha Maqan inay Muqdisho yimaadaan si Dhir loo dhanyahay uu u dhaco, Dhanka kalena Madaxweyne Deni ayaa Markuu Muqdisho yimid wuxuu Madaxweyne Farmaajo kula taliyey in Shirka Muqdisho la balaariyo hadii kale waxaa meesha ka baxaya Awood qaybsigii.

Waxaa hada muuqata in Madaxweyne Deni uu maanta ku guulaystay inuu Farmaajo ka iibiyo inuu u yeero raga maqan halkaasna Shir cusub la isugu yimaado.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu hada ogolaadey in la balaariyo Shirka, Wuxuuna Shirku furmayaa Talaadada, sida aan xogta ku heyno.

Madaxweyne Qoorqoor wuxuu Muqdisho imaanaya beri oo Axada.

Puntlandi.com Muqdisho

<