Madaxweyne Deni oo ku guda jira kulanadiisii Muqdisho, Maxaa u dambeeyey

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu Muqdisho kawadaa Suluxeyn Siyaasadeed.

Madaxweynuhu wuxuu horay ula kulmay Madaxweyne Farmaajo, kulankaas wax natiijo ah kamasoo bixin oo Madaxweyne Farmaajo wuu diiday in Shirka Muqdisho la balaariyo.

Wuxuu kaloo Madaxweynuhu mid mid ula kulmay Siyaasiyiinta ay kamidka yihiin Xasan Sheikh, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ,Shariif Xasan Sheikh Aaden iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Sanetoradiisa Aqalka Sare.

Madaxweynuhu wuxuu Laba jeer la kulmay Xildhibaanada labada Aqal iyo Wasiirada Reer Puntland ee heer Federaal.

Caawa oo Sabti soo galayso wuxuu Madaxweynuhu la kulmay Raysal wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi.

Kulanmadaas oo dhan waxay ku saabsan yihiin Sidii Doorasho xor ah loo gali lahaa oo waliba wakhtigeeda ku dhacda.

Kulamaducway socdaan oo wuxuu Madaxweynuhu la kulmi doonaa beri oo Sabti ah Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, wuxuu kaloo la kulmi doonaa Xubnaha Beesha Caalamka qaarkood.

Puntlandi.com Muqdisho

<