Breaking News— Beesha Caalamka oo ka dalbatay Madaxweynayaasha maqan inay Muqdisho iskasoo xaadiriyaan.

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug loo sheegay iney si deg deg ah ugasoo qayb galaan Shirka Muqdisho.

Beesha Caalamka oo Xiriir lasamaysay Masuuliyiintaan ayaa u sheegtay in Shirka Muqdisho ay qayb kasoo noqdaan, si horay loogu socdo.

Wararku waxay sheegayaan in kulankii dhexmaray Madaxweynihii hore Xasan Sheikh, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Dafiirka Maraykanka ay ka dhaadhiciyeen in la ilaaliyo Awoodqaybsiga Soomaaliya.

Masuuliyiinta maqan ayaa la filayaa inay Muqdisho kusoo xeroodaan maalmaha soo socda.

Puntlandi.com Muqdisho

<