Breaking News— Kulan dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Farmaajo oo natiijo la’aan ku dhamaaday

Waxaa goor dhawayd oo maanta ah kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Deni kulankaasoo la filayaa inuu hordhac u noqdo Shirkii la sugayay.

Wararka ay Warbaahinta Puntlandi.com helayno waxay sheegayaan in Kulanka lagu kala kacay oo aysan wax natiijo ah kasoo bixin.

Shaqaalaha Villa Soomaaliya ayaa adkeeyey in saxaafadu ay wax macluumaada ah ka helaan kulankaan gaabnaa,, Laakiin Wararka ay Warbaahinta Puntlandi.com helayno waxay sheegayaan in Madaxweyne Deni uu wali taagan yahay meeshiisii ahayd in Kulanka, hadiiba looga hadlay Masiirka Soomaaliya uu noqdo mid loo dhanyahay iyadoo la tixgalinayo Awood qaybsiga Soomaaliya, Laakiin wali Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku dhagan yahay in Kulanka Sadex Geesoodka ah la furo, Dalkuna uu ka gudbay qabiilkii.

Sida aan Wararka ku heyno kulanka galabta waa lagu kala tagay, lamana oga goorta kulan kale la isugu imaanayo.

Puntlandi.com Muqdisho

<