Shirkii Muqdisho oo dib loo dhigay, Sababtoo ah….

Waxaa lagu waday in ay caawa kulmaan Madaxweynayaasha 3 da ah ee Farmaajo, Deni iyo Sayidka, Balse kulankaas wuu baaqday.

Ilo wareedyo ka agdhow Shirka ayaa Puntlandi.com u sheegay in Shirku uu u baaqday kadib markii Madaxweyne Deni uu soo jeediyey in Shirka la balaariyo, waayo Waxaa meesha ka maqan Awood qaybsigii Soomaaliya ku dhisnayd waayadaan dambe.

Cashadii Xalay ka dhacdey Villa Soomaaliya ayaa Madaxweyne Deni wuxuu usoo jeediyey Madaxweyne Farmaajo in uu kulanka balaariyo oo uu ilaaliyo Awoodqaybsiga isaga lagusoo doortay, Maadaama Dalka wali ku jiro nidaamka 4.5 , sidaas awgeed aysan macquul ahayn in xiligaan kala guurka ay Halbeel intakt shirto ay go’aan ka gaari Karin Masiirka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu wali ku adkeysanayaa inuu isagu matalo Masuuliyiintaan Shirka ka maqan.

Xogta aan hayno er Shirku u baaqday waa sidaas.

Puntlandi.com Muqdisho

<