Shirka Muqdisho oo maanta furmaya

Shirka looga hadlayo Doorashada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furmaya inkastoo furitaankiisa aysan goobjoog ka ahaan doonin Madaxweynayaasha Maqan.

Ajandaha Shirka waa hal Qodib oo Qura, Qodobkasoo ah Doorashadac20/21 Sidee loo qabtaa iyadoon Wakhtiga la dhoofin.

Doorashada 20/21 waa lagu kala aragti duwan yahay, waana Sababta loo kulmayo hada, sidii Aragti kala duwanaantaas meel loo dhan yahay la isugu keeni lahaa Ayaa hada laga shirayaa.

Beesha Caalamka oo indhaha ku heysa Masuuliyiinta Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqeen in aysan aqbalayn marakan is jiidjiid iyo Wakhti lumin, Wax walba oo kulankaas kasoo baxa ayaana lagu jaan goynayaa Doorashada.

Madaxweynayaasha Hirshabeele, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waa loo cid diray, waana la sugayaa iney Shirka kusoo biiraan.

Xalay waxayvMadaxweynayaashu kuwada casheeyeen Villa Soomaaliya, mana jirin wax Cishadaas dhaafsan oo laga wada hadlay.

Puntlandi.com Muqdisho

<