Maxaa ka socda Muqdisho, Muxuu Axmed Madoobe ka gadoodsan yahay

Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa inuu ka furmo Shir balaaran oo looga arinsanayo Doorashada 20/21, Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni ayaa ka shaqaynaya in Shirka Muqdisho uu noqdo mid ay kasoo baxaan Heshiis loo dhan yahay.

Madaxweynaha Jubbaland Sayid Axmed Madoobe ayaa qaadacay inuu la kulmo Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna Axmed Madoobe dalbadey in ugu horayn Faragalinta laga daayo Jubbaland iyo in Ciidamada lagasoo saaro Gobolka Gedo .

Madaxtooyada Soomaaliya Villa Soomaaliya ayaa ku Jaha wareersan Shirka Muqdisho, waayo waxay qorshaynayaan Shir gaaban oo Madaxweyne Farmaajo uu la kulmi alahaa Deni iyo Axmed Madoobe, Laakiin waxaa Qorshahaas gabi ahaan badalay Madaxweyne Deni oo doonaya in Dhirka labalaariyo loona yeero Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ee Maqan.

Dhanka kale Madaxweyne Deni wuxuu kulankii uu shalay la qaatay Beesha Caalamka uu ka dhaafhiciyey in Shirka Muqdisho la balaariyo lagana soo qayb galiyo raga u sharaxan hogaaminta Dalka oo ay u horeeyaan Xasan Sheikh, Shariif Xasan iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Maanta Madaxweyne Deni wuxuu la kulmay inta Badan Siyaasiyiinta waaweyn ee Xisbiyada.

Madaxweynihii hore Xasan Sheikh wuxuu isna maanta la kulmay Safiirka Maraykanka waxayna ka wada hadleen Doorashada iyo sidii loo dardar galiyo.

Puntlandi.com Muqdisho

<