Yaa amray oo ka dambeeyey in la xiro Wadooyinka Magaalada Muqdisho Maanta

Shacabka Muqdisho waxay Saaka hal mar la kowsadeeb Wadooyinkii waaweynaa ee Magaalada oo Xiran gabi ahaan, hadii la isweydiiyey sababta loo xirayna Waxaa loogu jawaabay Deni iyo Axmed Madoobe ayaa Magaalada imaanaya, Waxaa xigay oo la iswaydiiyay “oo Ragaan awalba Magaalada waa imaan jireen wadooyina lama xiri jitine, maxaa kusoo kordhay?.

Howlwadeenada Puntlandi.com ayaa idkudayay inay jawaab u helaan su’aalo badan oo ay Reer Muqdisho isweydiinayaan, Yaa ka dambeeyay in Wadooyinka la xiro?

Sida aan xog hoose ku helnay Waxaa Amarka lagu xiray Wadooyinka bixiyay Villa Soomaaliya, Wadatashi ay la sameeyeen Taliska Amisom ayaana Wadooyinka lagu xiray si loo adkeeyo Amaanka Magaalada Xiliga ay Masuuliyiintaan imaanayaan.

Amarka lagu Xiray Wadooyinka Waxaa si toosa u bixiyey Villa Soomaaliya, Waxaa loo badinayaa in Villa Soomaaliya Ay heléen Xog sirdoon oo ku saabsan dhaqdhaqaaq Amaan xumo oo Al-Shabab damacsan yihiin.

Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe waxay hada ku suganbyihiin Muqdisho, Waxaana Amaankooda ilaalinaya Ciidamada Jubbaland/Puntland oo kaashanaya Amisom.

Puntlandi.com Muqdisho

<