Wafdigii Madaxweyne Deni oo Maanta Muqdisho kusii jeeda

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulla Deni ayaa maanta kusii jeeda Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Deni ayaa Muqdisho u tagaya ka qaybgalka Sir looga arinsanayi Arimaha Doorashada.

ilaa hada lama Shaacin Gibraltar uu Shirku ka dhacayo iyo Wafuuda ka qayb galaysa.

Tan iyo Xalay Madaxtooyada Garowe ayaa laga dareemayay Qaban qaabada Wafdiga Madaxweynaha.

Waxaa aad loo adkeeyay Amaanka Madaxweyne Muqdisho, Waxaa maalmo ka hor Nuqdisho u duulay Sadex Diyaaradood oo Sida Gawaari aan xabadu Karin iyo Ciidan, kuwasoo hada ku Wigan Muqdisho, Waa markii u horaysay oo saas loo adkeeyo Amaanka Madaxweynaha ee joogitaankiisa Muqdisho, tani waxay muujineysaa in Xiriirka Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Farmaajo inuu marayo meel aan wanaagsanayn.

Puntlandi.com Muqdisho

<