Olole Gobolka Gedo loogu darayo Koonfur Galbeed oo Muqdisho ka socda

Tan iyo shalay waxaa soo baxayay hadalo kasoo yeeraya Siyaasiyiin Kasoo jeeda Galmudug oo sheegayay in Gobolka Gedo uu ka baxay Jubbaland, iyadoo saacado kadibna ay Siyaasiyiin jooga Buulo Xaawo ay warkaas ku raaceen.

Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com hayso ayaa waxay sheegayaan in Villa Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed ay wadaan in la balaariyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Gobolka Gedo ayaa la doonayaa inuu Mustaqbalka ka mid noqdo Koonfur Galbeed waxaana hada la bilaabayaa u gogol Xaara qordhahaan.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gedo aad ayay ugasoo hor jeedaan Qorshahaan , waxaase gadaal ka riixaya Qorshaha Madaxweyne Farmaajo iyo Diyaasiyiin aan Reer Gedo ahayn balse la hayb ah oo kasoo jeeda Gobolka Galgaduud.

waxaa hada la qorsheeyey in Gobolka Gedo uu si kumeel gaar ah ugu dhawaaqo inuu ka Madaxbanaan yahay Kidmaayo, kadibna di tartiib tartiib ah loogu soo daro Koonfur Galbeed.

Mashruucaan lagu la doonayo in lagu burburiyo Jubbaland ayaa yimid ka dib markii Kooxohii kasoo horjeeday Axmed Madoobe ay ku guul daraysteen inay Xukunka ka qaadaan.

Puntlandi.com Nairobi

<