Madaxweyne Madoobe iyo Deni oo maanta kulan balaaran la qaadanaya Beesha Caalamka

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland waxay maanta duhurkii kasoo degayaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxayna idla Garoonka Diyaaradaha Aden Cade International ay kula kulmayaan Xubnaha Beesha Caalamka Kulankasoo ka horeeya kulanka ay Muqdisho u yimaadeen.

Warar dheeraada oo Warbaahinta Puntlandi.com ka helayso kulanka loobalansan yahay ee Beesha Caalamka ayaa Ajandihiisa u weyn wuxuu yahay sidii Beesha Caalamku ay u hubin lahayd hirgalinta Qodobada kasoo bixi doona Kulanka Muqdisho.

Deni iyo Madoobe waxaa wali ku jira shaki ah in Madaxweyne Farmaajo uusan daacad ka ahayn wax walba oo lagu heshiiyo, Sargaal aad ugu dhow Madaxtooyada Jubbaland ayaa Puntlandi.com u sheegay in kolka miiska Wadahadalka la fadhiya uu Madaxweyne Farmaajo yahay Nin aan waxba diidanayn, oo aqbala waxwalba oo lagu heshiiyo laakiin kolka uu kasoo baxo kulanka wuxuu noqdaa Nin aanba ogayn wixii lagu heshiiyey saacado ka hor.

Kulanka Beesha Caalamku la yeelanayso Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland aad ugasoo horjeedaa Villa Soomaaliya oo isku dayday inay baajiyaan, waxaa sidaas Puntlandi.com u xaqiijiyey Ilo Dublamaasiyadeed.

Puntlandi.com Garowe

<