Casumaad Qado oo Villa Soomaaliya u diyaarin lahayd Deni iyo Axmed Madoobe oo baaqatay Maanta

Sida ay qorsheeyeen Howlwadeenada Villa Soomaaliya Waxaa Villa Soomaaliya qado ku lahaa Maanta Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Laakiin Qadadaas midna ma calfan.

Kulankii Beesha Caalamka iyo Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa La sheegay inay sabab u ahayd in qadadaas ay baaqato Laakiin warar kala duwan oo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in Qadada loo qorsheeyeyba in kulanka Garoonka Diyaaradaha lagu baajiyo.

Saakadii hore ee maanta Waxaa soo baxay in Villa Soomaaliya ay isku dayeen Iney Baajiyaan Kulanka dhex marayay Beesha Caalamka iyo Labadaan Masuul, Laakiin umasuura galin.

Sababta La isugu dayay baajinta kulankaas ilaa hada faahfaahin lagama bixin.

Puntlandi.com Muqdisho

<