Breaking News— Puntland iyo Jubbaland oo dalbaday in Shirka ay kasoo qaybgalaan Madaxweynayaasha Maaaamul Goboleedyada oo dhan

Warar hada soo gaaray Puntlandi.com ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Saciid Deni ay Beesha Caalamka u sheegeen in Wadahadalka lagusoo qayb galiyo Maamul Goboleedyada kale, sShirka wixii kasoo baxa ay u noqdaan wax loo dhan yahay.

Madaxweyne Farmaajo ayay ku eedeeyeen inuu ulakac u casino waayay Masuuliyiintaan maqan, tasoo looks jeeda in Jiidjiid Siyaasadeed wakhtiga lagu lumiyo.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Shirkii ay maanta la qaateen Beesha Caalamka wuxuu ka sheegay in Kulankii isaga iyo Axmed Madoobe ay ku yeesheen Garowe uu natiijadiisu ahaa in Dhamaan Saamilayda Siyaasada ay isugu yimaadaan Muqdisho, wuxuu intaas raaciyey in ay telefon kula hadlay Dhamaan Madaxweynayaasha ayna aqbaleen kulanka Muqdisho, sidaas awgeed uusan hada garanayn Sababta looga reebay kulanka Arbacada.

Warar Waxaa jira iyana sheegaya in Beesha Caalamku ay isla maanta la xiriirtay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayna ku wargaliyeen inay Muqdisho Yimaadaan.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu badalay Ajandaha Shirka uuna ka dhigay isaga iyo Labadaan Madaxweyne oo qura.

Puntlandi.com Muqdisho

<