Breaking News— Beesha Caalamka oo si buuxda u damaana qaadey hirgalinta Doorashada Soomaaliya

Kulankii maanta dhexmaray Beesha Caalamka iyo Madaxweynayaasha Soomaaliyeed ee Puntland iyo Jubbaland ayaa la isku afgartay in Lagawada shaqeeyo in Doorashada Soomaaliya ay wakhtigeeda ku dhacdo.

Beesha Caalamku waxay sheegeen inay si buuxda u taageerayaan wixii kasoo baxa kulanka beri oo arbaca ah ka furmaya Muqdisho.

Kulanka Beri wuxuu dhexmarayaa Madxweyne Farmaajo iyo Labadaan Mdaxweyne, waxaa gadaal lagasoo biiri doona Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug, Madaxweynayaashaan waxaa wakiil u ah Madaxweyne Farmaajo waxaana loo badinayaa in aan si rasmi ah loo casumin.

Beesha Caalamka iyo Labadaan Maamul waxay si buuxda isula garteen dhamaan waxyaabahay ka wada hadleen.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay 8 Safiir iyo Xubno matalaya Wadamada maqnaa

Sawirada hoos ka daawo

Puntlandi.com Muqdisho

<