Shir cusub oo looga hadlayo Arimaha Doorashada oo ka dhacaya Muqdisho

Kulankii u dhexeeyey Jubbaland iyo Puntland wuxuu kusoo dhamaadey in Shir cusub oo Arimaha Doorashada looga hadlayo lagu qabto Magaalada Muqdisho.

wararka hoose oo Puntlandi.con helay, Beesha Caalamka ayaa ukala dabqaadey Garabkii Dhuusamareeb ee Madaxweyne Farmaajo hogaaminayay iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waxayna Natiijadu noqotay in shir cusub oo hor leh la isugu yimaado Muqdisho, halkaasna loogawada xaajood Doorashada.

Shirkaan cusub wuxuu ka dhigan yahay in aan waxba lagasoo qaadin Shirkii Dhuusamareeb, Waana tan lagu qanciyey Æpuntland iyo Jubbaland, in dib wax loo bilaabo.

Puntlandi.com Garowe

<