Raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo loo diiday inuu ka dhoofo Muqdisho

Saaka waxaa Garoonka Diiyaaradaha lagu hor istaagay Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre xili uu safro lahaa.

Lama shaacin meeshee uu Xasan Cali Kheyre kusii jeeday, waxaase la xaqiijiyey in lagu amray Ciidamada Ilaalada Garoonka Diyaaradaha Inay Garoonka ka celiyaan Raysal wasaaraha hore.

Mudo saacado ah ayaa laga hortaagnaa inuu galo Gudaha Garoonka inkastoo markii dambe ay u suura gashay inuu Gudaha u galo Garoonka Diyaaradaha.

Falka noocaan ah ayaa dhowr Siyaasi lagu sameeyay Sanadkaan Gudihiisa wakhtigii uu Xasan Cali Kheyre ahaa Raysal wasaaraha,ilaa hada macada cida ka dambeysa is hor istaagida maanta lagu sameeyay Raysal wasaaraha hore.

Warar waxaa jira sheegaya in Xasan Cali Kheyre uu diiday inuu goob fagaare ah yimaado oo uu Xilka ku wareejiyo Raysal wasaaraha ku meel Gaarka ah Mahdi Guuleed.

Puntlandi.com Muqdisho

<