Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo lagu wado inay soo gabagabeeyaan Kulankooda lawada sugayo

Indhaha Soomaalida iyo Beesha Caalamku waxay Maalmahaan ku sii jeedeen Garowe halkaasoo uu kulan uga socdo Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Saciid Deni, oo ka arinsanaya Doorashada Soomaaliya ee Sanadkaan dabayaaqadiisa bilaabaneysa.

Waxaa laguwadaa in labada Masuul ay maanta soo gabagabeeyaan kulankooda u Gaarka ah iyaga, lamana oga cida gadaal ugasoo biiri doonta iyo in ay iyagu Muqdisho aadayaan.

Qodobada la fili karo inay kulankaan ka soo baxaan waa sidaan hoose

1– In si cad loo qeexo Nooca Doorasho, Qolyihii ku haray Dhuusamareeb Qoraalkooda mugdi ayaa ku jiray Qodobkaan waayo ma cadayn Awooda Hogaamiyayaasha Dhaqanka, waxaana feer socdey in Xisbiyadu ka qayb qaadanayaan Doorashada, Puntland iyo Jubbaland waxay aaminsan yihiin Doorasho Dadban oo tii Kal hore oo kale ah, Kaliya waxay ogol yihiin in wax laga badali karo Tirada u codeynaysa Xildhibaanka, Doorashadii hore waxay ahaayeen 51 Cod bixiye.

2- Qodobka xiga waa cida maamulaysa Doorashada, Qolyihii Dhuusamareeb waxay soo jeediyeen in Gudiga Doorashada Ee Dowlada Federaalka ay maamulaan, Halka Jubbaland iyo Puntland ay Aaminsan yihiin in La sameeyo Gudi Khilaafaad ka xaliya oo ay ka qaybqaadanayaan dhamaan Saamilayda Siyaasada.

3- Qodobka kale ee Labadaan Maamul doonayaan waa Deegaanada lagusoo xulayo Xildhibaanada, waxayna aamin sanyihiin in Ay noqoto Qaabkii Doorashadii hore oo kale.

4- Qodobka isna Muhiimka u ah Labadaan Maamul waa in Marka hore la magacaabo Raysal wasaare intaan Heshiis rasmi ah la gaarin.

5- Puntland iyo Jubbaland waxay aaminsan yihiin in Dowlada Federaalku ay ulakac u uga seexatay soo diyaarinta Doorashada sidaas awgeed ay muhiim tahay in Doorashadaan aysan waxba ka duwanaan tii kal hore maadaama Wakhtiga yaryahay.

Puntlandi.com Garowe

<