Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo olole Doorasho kasoo bilaabaya Dhuusamareeb

Abdirahmaan AbdiShakuur Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir. Photo Wadajir party

Magaalada Dhuusamareeb Waxaa maanta laga sugayaa Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur , isla markaasna ka mid ah Siyaasiyiinta ugu miisaanka weyn Doorashada 20/21 ee Soomaaliya.

Waxaa Wafdiga ka mid ah Xoghayaha Xisbiga iyo Masuuliyiin kale oo isla Xisbiga ah, Waana markii u horaysay ee Xisbiga uu si rasmiga u bilaabo ololihiisa DDoorashada.

Gudoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishuur Warsame Waxaa la filayaa inuu Dhuusamareeb ka jeediyey doono skhudbadiisa furitaanka Ololaha Doorashada.

Wuxuu kulan la qaadanayaa Hogaamiyayaasha dhaqanka Gobolka Galguduud iyo Ururada Rayidka ah .

Puntlandi.com Dhuusamareeb

<