Kulan laba geesood ah oo maanta u bilaabanaya Jubbaland iyo Puntland

Kulan balaaran oo ay hogaaminayaan Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Garowe uga furmi doona Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa kulanka qayb ka ah Isimada iyo Ururada Bulshada, waxaana looga arinsanayaa Xaalada Siyaasadeed ee Dalka.

Kadib markii uu Fashilmay Shirkii Dhuusamareeb waxay Puntland iyo Jubbaland Go’aansadeen iney marka hore gooni isu arkaan labadiodu, waxaana sababta keentay kadib markii lagu xad gudbay awood qaybsigii Siyaasada Dalka Xiliyada kala guurka.

Mar hadii aan wali laga guurin 4.5 Dalka taladiisu waxaa wax lagu qaybsanayaa Qaab qabiil, waana tan hada muuqata, Hadii Puntland iyo Jubbaland aysan talada Dalka waxka go’aamin , Go’aan ma jiro weeye”, Waxaa Sidaas yiri Maxamed Axmed Xasan oo kamida Nabadoonada Puntland

Kulanka u dhexeeya Puntland iyo Jubbaland waxaa lafimayaa inuu kasoo baxo qodobo lagu badbaadinayo Dalka.

Puntlandi.con Garowe

<