Beesha Caalamka oo Madaxweyne Farmaajo ku khasbaya inuu Garowe iska xaadiriyo

Warar dheeraada oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ilo Dublamaasiyadeed ka heshay,Waxay Beesha Caalamku ay Cadaadis ku saareen in Madaxweyne Farmaajo uu tago Garowe si xal loogu helo Doorashada soo socota.

Waxay Beesha Caalamku soo jeediyeen Markii hore in Kismaayo la isugu tago balse Madaxweyne Farmaajo wuu ka leex leexday inuu aqbalo tagitaanka Kismaayo isagoo daliil ka dhigtay Inuu ku mashquul sanyahay Magacaabida Raysal wasaaha.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Saciid Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ay isla garteen in kulanka loo Wareejiyo Garowe Maadaama ay dareemeen in Khilaafyadii hore ee u dhexeeyey Jubbaland iyo Madaxweyne Farmaajo ay culays Siyaasadeed ku tahay inuu hada Kismasyo tago, taas ayaa keentay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu Garowe yimaado Maanta.

Beesha Caalamku waxay hada Madaxweyne Farmaajo culays ku saareen inuu Garowe tago, halkaasna go’aan rasmiya ay kusoo wada gaaraan.

Dhinaca Garowe nooma aysan xaqiijin Imaatinka Madaxweyne Farmaajo balse Way ka gaabsadeen iney tafaasiil nasiiyaan.

Puntlandi.com Garowe

<