Aamusnaanta Beesha Caalamka waxay god ku riday Heshiiskii Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb

Shirkii Dhuusamareeb wuxuu ahaa mid aad loogu hanweynaa loona rajaynay inuu guulaysan doono sidii Shirarkii caanbaxay ee Garowe 1 iyo Garowe 2, Shirkii Dhuusamareeb Ma noqon Mid guulaysta, Eedaas Waxaa dusha u ritay oo Shirka qiimo tiray Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo .

Qodobadii ay soo wada saareen Garabkii ku haray Shirka Dhuusamareeb oo ay u arkayeen mid lasoo wada dhowaynayo, Waxaa dhacdey in Beesha Caalamku aysan habayaraatee soo dhaweyn Shirka wixii kasoo baxay.

Beesha Caalamka Waxaa caado u ahayd in Heshiisyada ay Soomaalidu wada gaarto ay durbadiiba Qoraal kasoo saaraan , Qoraalkaasoo ay kusoo dhawayn jireen Heshiisyadaas, Laakiin waxyaabihii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb Way ka aamuseen, waxayna Aamusnaantaas ka dhigan tahay inaysan ku qanacsaneyn.

Waxaana Xaqiiq ah in Beesha Caalamku ay dareensan tahay Dareen ay Garan waayeen Masuuliyiintii ku haray Shirka Dhuusamareeb ee soo saaray Warmurtiyeedka, Beesha Caalamku waxay garteen in Heshiis ku saabsan Doorashada Qaran ee Soomaaliya uu noqdo mid loo wada dhan yahay, Isla markaasna aysan aqbali Karin in Madaxweyne Farmaajo iyo Masuuliyiintii isagu uu kursiga ku fariisiyay (Qoorqoor, Lafta Gareen iyo Waste) aysan kaligood talada gacan maroorsan Karin.

Si kale hadaan u dhigno , Heshiiskaad wuu fashilmay ee Maxaa Xigi doona.?

Puntlandi.com Garowe

<