Fadeexad— Mid ka mida Urur Siyaasadeedyada Puntland oo ku xad gudbay Qodob Dastuuri ah

Xisbiga Mideeye oo kamida Ururada Siyaasadeed ee ka Puntland ayaa si cad u baal maray Dastuurka Puntland, Wuxuuna Xisbiga ka horyimis qayb kamid ah Sababihii loo aasaasay Puntland.

Qoraal kasoo baxay Xisbiga ayaa lagu taageeray Qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb, ,Waxaana lagu bogaadiyey Masuuliyiintii Saxiixay Gunaanadkii Shirkaas,, Xili ay Puntland banaanka ka istaagtay Shirkaas.

Warsaxaafadeedka Xisbiga Mideeye wuxuu si cad ugasoo horjeeda Siyaasada gundhiga u ah Puntland oo ah in Puntland ay qayb muuqata ka ahaato Dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

Qoraalka Xisbiga wuxuu jabiyey Qodobo Dastuuri ah oo qeexaya Jiritaanka Puntland, wuxuuna Qoraalka Xisbiga uu Caqabad ku yahay Siyaasada Puntland ee heer Federaal,

Warsaxaafadeedka wuxuu si cad u taageerayaa in Masiirka Soomaaliya ay koox kaliya go’aan ka gaari karto iyadoon laga tala galin Puntland.(Puntland la’aanteed).

Jiritaanka iyo Siyaasada Heer Federaal ee Puntland waa mid muqadas ah oo difasceeda laga doonayo Dhamaan Siyaasiyiinta Puntland Muxaafid iyo mucaarad.

Xisbiyada laga diiwaan galiyey Puntland oo uu Xisbigaan ka mid yahay Waxaa laga doonayay Iney ilaaliyaan danta Dowlada iyo Shacabka Puntland, Ma aha Iney u hanqal taagaan ama u gacan haadiyaan Muqdisho, iyagoo jaran jaro ka dhiganaya Puntland, ujeedkooduna yahay Iney qanciyaan kuwa kasoo horjeeda ama ka masayrsan Horumarka, Dowladnimada iyo Dadaalka Shacbiga Puntland.

“Puntland waxay u taagan tahay Danta Soomaaliyeed, Waxaana miisaska looga hadlay Danta Soomaaliweyn ay Shacbiga Puntland u wakiisheen Dowlada Puntland, Xisbiyada mucaaradku waxay ku leeyihiin talo iyo tusaakeyn ay lasameynayaan Xukuumada, Waana inay ku garab istaagaan Xukuumada Go’aamada Masiiriga ah.” Waxaa sidaas yiri Siyaasi codsadey inaan lamagac dhabin

Hoos ka skhriso Warsaxaafadeedka Xisbiga Mideeye

Puntlandi.com Garowe

<