Ciidamada Puntland oo soo afjaray Howlgalkii Habar Humbulo

Ciidamada Puntland ee aaga Buuraha Galgala ayaa si buuxda usoo afjaray howlgal ay ku qaadeen kooxa xagjirka ah ee Al-Shabaab Deegaanka Habar Humbulo ee nawaaxiga Buuraha Galgala.

Howlgalkaan oo saaka dhacay ayaa Ciidanku ay ka hadleen markii u horaysay waxayna sheegeen in Howlgalku kusoo dhamaadey sidii loogu talagalay ayna Ciidanku sifeeyeen Cadowgii.

10 kamid sh Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la diley, waxaana nolol lagusoo qabtay Sadex kamid ah Maleeshiyada.

Khasaaraha Ciudanka soo gaaray lama sheegin balse Warar Puntlandi.com ay heleen waxay sheegayaan in Ciidamada Ay ka geeriyoodeen Laba Adkari, dhawucuna yahay 4 Askari.

Howlgalkaan ayaa wuxuu bilowdey Xalay, maanta Duhurkii ayaana si rasmi ah loosoo afjaray, Wuxuuna Howlgalku ka dhacay Dhul baaxadweyn oo kala fog.

Sida aan warka ku hayno, Wasaarada Amniga Puntland ayaa beri ka hadlaysa Howlgalkaan.

Puntlandi.com Bosaso

<