Beesha Caalamka oo ka hortimid Heshiiskii Dhuusamareeb iyo in Baarlamaanka horgeeyo

Kulankii Shalay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku dhexmaray Safiirka Maraykanka iyo Madaxweyne Farmaajo oo uu weheliyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si kulul looks hadlay Madaxdaxweyne Farmaajo.

Safiirka Maraykanku wuxuu sheegey in aysan sinaba Beesha Caalamku uvaqbalayn Heshiis koox gooni ah gaartay wuxuuna ku baaqay in dib loogu noqdo Wadahadalka.

Wararka aan kulankaas ka helnay waxay kaloo sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo mar kale loogu soo celiyay in Doorashadu ay Wakhtigeeda ku dhacdo ayna noqoto mid ay u dhanyihiin Dhamaan Saamilayda Siyaasada.

Beesha Caalamku waxay Wadajir ah usoo saarayaan Qoraal ku saabsan Shirkii Dhuusamareeb ee Burburay.

Puntland iyo Jubbaland waxay Xalay si wadajir ah usoo saareen Qoraal ay ku baaqeen in Dalka la badbaadiyo.

Puntlandi.com Garowe

<