VOA : – Dr.Culusow iyo Dr.Cali Xaaji Warsame oo ku tilmaamay natiijadii Shirkii Dhusomareeb mid wax badani isku qasan yihiin.

Iyadoo is soo tarayaan falcelinta ka dhalatay jahawareerkii uu ku dhamaaday Shirkii Dhuusomareeb 3 ayaa Dr.Maxamed Maxamuud Culusow oo hore u soo noqday Gudoomiyaha Bangiga Dhaxe ee Somaaliyeed ayaa ku eedeyey Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu si bareer ah ugu xadguday Dastuurka Dalka.

Mudane Dr. Culusow oo wareysi siiyey Idaacada VOA Laanteeda Afka Somaaliga ayaa Gef Dastuuri ah ku tilmaamay in Madaxweynuhu uu saxeexo heshiis aanay ku wehelin xubnihii hayada fulintu ( Golaha Wasiirada ).

Sidoo kale Dr.Culusow ayaa dhaliilay in xubnihii Gudiga Doorashooyinka Qaranku ay lumiyeen maqaamkii hufnaanta iyo madaxbanaanida ee loo igmaday, ayna noqdeen kuwo jeebka ugu jira Madaxtooyada Villa Somalia.

Sidoo kale Dr.Cali Xaaji Warsame oo hore xil Wasiirnimo uga soo qabtay Dawlada Puntland ayaa ku tilmaamay natiijada Shirku in ay horseedi doonto jiitan hor leh iyo mudo kordhsi.

Dr.Cali Xaaji Warsame ayaa sidoo kale sheegay in ay natiijada shirku ay xaqiijisay dareenkii Shacbiga Somaaliyeed ee ahaa in aanay Wadanka wakhtigan ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Halkan ka dhageyso wareysiga Dr.Culusow iyo Dr. Cali Xaaji Warsame.

<