Kulan Wadatashi ah oo ka socda Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, ku xigeenkiisa Axmed Cusmaan Karaash, Gudoomiyaha Baarlamaanka , iyo Siyaasiyiin kale oo uu kamid yahay Madaxweynihii hore Dr.Faroole ayaa caawa ku kulankaan Madaxtooyada.

Kulankaan ayaa looga arinsanayaa Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo Shirkii Dhuusamareeb Qodobadii ay kasoo saareen Garabkii ku haray Dhuusamareeb.

Waxtafaasiil ah lagama bixin kulanka bakse wararka ay Puntlandi.com ay helayaannwaxay sheegayaan in beri oo sabti ah ay Puntland Qoraal kasoo saari doonto Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa Galabta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay Safiiro ka socda Beesha Caalamku ay kula kulmeen Madaxweyne Farmaajo, kulankaas Way ka gaabsadeen Villa Soomaaliya inay ka hadlaan.

Puntlandi.com Garowe

<