Jubbaland oo ka Arinsanaysa Shirkii burburay ee Dhuusamareeb warkii lasoo saaray

Maxamuud Sayid Aaden Madaxweyne Xigeenka Jubbaland ayaa ka hadlay Qodobadii kasoo baxay Shirkii Shanta maalin uga socdey Dhuusamareeb Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.

Madaxwryne Xigeenka wuxuu sheegay in Jubbaland ay go’aan ka qaadan doonto Qodobadaas, “ Hada kama hadli karo go’aankaas balse wada tashi ayaa nok socda Hassan Mahad Jubbaland “ Ayuu yiri Madaxweyne Xigeenku.

Madaxwrynayaasha Ountland iyo Jubbaland ayaa qaadacay ka Qaybgalkii Gabagabada Shirkii Dhuusamareeb , Laakiin Madaxda ku hartay Shirka ayaa kaligood waxay Xalay soo saareen Warmurtiyeed.

Dhinaca Puntland wali kama aysan hadal warmurtiyeedkaas.

Puntlandi.com Kismasyo

<