Akhriso Siyaasada cusub ee Madaxweyne Farmaajo, Qodobadii kasoo baxay Dhuusamareeb


Qodobada ay soo saareen Garabkii ku hartay Shirka Dhuusamareeb wuxuu u muuqdaa Siyaasada cusub ee Madaxweyne Farmaajo uu doonayo inuu ku qaado Siyaasiyiinta iyo Beelaha Koonfureed.

Waxaa cad in Madaxweynuhu uu istusay in Ergooyinka Wax dooran doonaa ay noqdaan Xoogaga Wadaniyiinta Soomaaliyeed,, Qodobada qaarkood waxay hareer marsan yihiin Dastuurka halka qaarkood ay iskasoo hor jeedaan.

Qodobka 11 aad wuxuu si cad ugasoo horjeedaa Dastuurka, waayo Aqalka Sare Waxaa soo doorta Dowlad Goboleedyada, Dastuurka kuna cada In loo tilmaamo Maamul Goboleedyada qaabka ay usoo dooranayaan.

Gudiga Doorashada ayaa looga dambeynayaa Arimaha Doorashada, Taas macneheedu waa Beelaha iyagaa soo xulaya.

Awooda lasiiyey Xoogaga Wadaniyiinta Waxaa kaloo kamid ah Qodobada 7aad in Deegaanada aan xorta ahayn ay Gudigu awoodaan in kuraastooda loo Xawilo Meelo kale Sida Gobolka Jubbaland Dhexe, Waxaa macquul ah in Muqdisho loo xawilo.

Waxaa kaloo Qodobada kamid ah in Baarlamaanku uu ansixiyo Qodobadaas, Waxaa meesha laga saaray Shaqadii Aqalka Sare Ee ahayd waxwalba oo Aqalka hoose Ansixiyo in loo gudbiyo Aqalka sare

Hoos ka Akhriso Qodobada

1- In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid Deegan Doorasho ah (Electoral constituency caucuses).

2. In Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka-GMDQ oo kaashanaya Maamulada Dowlad Goboleedyada fududeeyan dhisida Guddi xulis oo loo dhanyahay oo ka kala imanaya Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga.

3. In Ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imanaysa beesha kursiga wadaagta.

4. In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu.

5. In codbixiyeyaasha 3dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas.

6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah.

7. Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinak Qaranku-GMDQ waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah.

8. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban.

9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyagoo kaashanaya Maamulka Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah.

10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan.

11. In Baarlamaanka Dowlad Goboleedyadu doortaan Aqaalka Sare.

12. In heshiiskan loo gudbiyo Golaha Shacabka si uu sharci u noqdo.

13. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in GMDQ dardargaliso hirgelinta doorashada.

14. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada Dowlad Goboleed ee shirka ka maqan, waxaana rajeyneynaa in ay nagula soo biiraan wixii hawl ah oo dhiman.

15. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka.

16. Wuxuu shirku u mahad celin iyo boogaadin u jeedinayaa Madaxweynaha iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta shirka.

17. Sidoo kale shirku wuxuu u mahad celinayaa Beesha Caalamka oo mar walba dadka Soomaaliyeed lagarab taagan taageero dhan walba ah.

<