War Deg Deg ah— Shirkii Dhuusamareeb oo dhicisoobay

Waxaa guul laga gaaray Shirarkii hore ee Dhuusamareeb 1 iyo Laba, Qorshuna wuxuu ahaa in Dhuusamareeb 3 lagusoo gunaanado Sadexdaa shir guushooda, laakiin waxaa hada burburay gabi ahaan Shirkii Dhuusamareeb.

Shacabka Galmudug waxay ku rajo waynaayeen in Gogosha ay dhigeen ay qayb ka noqonayso Taariikhda Soomaaliya laakiin taasi ma dhicin, Cidwalba Masuuliyadeeda ha qaadee.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa isku dayay iney kaligood go’aan ka gaaraan Doorashada taasoo dhalisay iney burburaan dhamaan Wadahadaladii socdey.

Tan iyo Shalay waxaa socdey Dadaal ay Beesha Caalamku ku badbaadinayso Shirka laakiin Dadaalkii wax guul ah lagama gaarin.

Warar hada soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in Beesha Caalamkuvay shir deg deg ah ka yeelanayso Xaalada Soomaaliya.

Puntlandi.com Muqdisho

<