Breaking News : – Madaxweyne Farmaajo oo lagu amray inuu Raysal Wasaare soo magacaabo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cadaadis lagu saaray inuu soo magacaabo Raysal wasaare,cadaadiskaas oo ka yimid Beesha Caalamka.

Warar Dublamaasiyadeed oo aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweymaha loo sheegay inuu dar dar galiyo Shirka Dhuusamareeb , Heshiiska wadjira ah oo kasoo baxana siduu yahay loo hirgaliyo iyadoo Beesha Caalamku ay Indhaha ku haynayso hirgalinta Qodobadaas.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha lagu amray in uu Raysal Wasaare kusoo magacaabo Shan Cisho gudeheed.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horay usoo jeediyey in Raysal Wasaare la magacaabo si loo xoojiyo Shirka Dhuusamareeb.

Puntlandi.com Garowe

<